World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Croatia vs Brazil.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Croatia 1-2 Brazil
Sports Mole
Croatia 1-3 Brazil
WhoScored
Croatia 0-2 Brazil
Fiirso Hada
Croatia 1-3 Brazil
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Kulan ka dhacaya gegida Education City Stadium ayay boos wareega afar dhammaadka koobka aduunka ah caawa ugu tartami doonaan xulalka Brazil iyo Croatia.

Selecao oo kamida dalalka ugu cad cad hanashada tartanka ayaa wareegii 16-ka soo xaaqay South Korea halka xulka ree Yurub rigoorayaal kaga soo baxay Japan.

Tababare Zlatko Dalic ayaa la filayaa inuu dib u helo Borna Sosa oo xanuun kaga maqnaa kulankii Korea iyo Josip Stanisac oo dhaawac muruq ah ku seegay.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii saddexaad ee dhexmara Portugal iyo Switzerland sanadka 2022, iyagoo laba jeer isaga horyimid tartanka UEFA Nations League bishii June. Portugal ayaa 4-0 ku badisay ciyaar ka dhacday Lisbon, ka hor inta aysan Switzerland 1-0 kaga badinin Geneva toddobaad ka dib.

Dhinaca Brazil waxa xilli horeba hammigoodii koobka aduunku soo dhammaaday xiddigaha kala ah Alex Telles iyo Gabriel Jesus.

Alex Sandro oo isaguna kulamadii ugu dambeeyay dhaawac qabay ayaa tababarka kusoo laabtay laakiin aan la hubin taam ahaanshihiisa ciyaartan.

Militao ayaa markale daafaca midig dheeli kara iyadoo Danilo daafaca bidix u wareegayo halka Lucas Paqueta markale No.8 kaga soo hormarayo Guimaraes iyo Fred.


Ku Xirnoow FiirsoHada