World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka France vs Morocco.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
France 1-1 Morocco
Sports Mole
France 2-1 Morocco
WhoScored
France 1-0 Morocco
Fiirso Hada
France 2-2 Morocco
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulalka Morocco iyo France ayaa caawa afar dhammaadka koobka aduunka ku ballansan ciyaar xiiso badan iyadoo labada dal wareegii hore kusoo khaarajiyeen England iyo Portugal.

Morocco oo ah xulka lama filaanka koobka aduunka noqday ayaa ah African-kii ugu horreeyay ee afar dhammaad koob aduun gaadha halka Les Bleus doonayaan Finalkii labaad ee xidhiidh ah.

Xulalka France iyo Morocco ayaa isaga hor iman doona garoonka Al Bayt Stadium kulan ka tirsan Semi-final-ka koobka adduunka.

Xulka France ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan final-kii 2-aad oo xidhiidh ah isla markaas difaacdaan koobka adduunka oo ay 4 sano ka hor ku guulaysteen.

Dhinaca kale xulka Morocco ayaa doonaysa in ay sii wado mucjisada isla markaas markii ugu horaysay taariikhdooda iska xaadiriyaan koobka adduunka.

Tababare Didier Deschamps ayaa la filayaa inuu saf buuxa oo caafimaad qaba ku hayso kulankan, Jules Kounde, Varane, Upamecano iyo Hernandez ayaa daafaca markale kusoo wada bilaaban doona.

Tchouameni iyo Rabiot ayaa khadka dhexe ku midoobaya iyadoo Griezmann No.10 dheelayo halka saddexleyda weerar noqonayaan Ousmane Dembele, Olivier Giroud iyo Kylian Mbappe.

Morocco ayuu ka maqnaan doonaa weeraryahan Walid Cheddira oo casaan qaatay dhammaadkii kulankii Portugal walow uusan asaasi ka ahayn shaxdooda.

Sidoo kale labada daafac dhexe ee kabtan Roman Saiss iyo Nayef Aguerd oo isagu kulankii Portugal-na seegay ayuu labadaba shaki ku jiraa.

Xulka France ayaan waligiis guuldaro kala kulmin xulka Morocco 5 kulan oo ay wada ciyaareed saaxiibtinimooyin iyaga oo 3 kulan badiyay 2 kalena bar-baro galay.

France ayaa natiijooyin isku dhaf ah oo guulo iyo guuldarooyin ah kala kulmay 6-dii kulan ee ay la ciyaareen xulalka Africa ka soo jeeda iyaga oo kulankii ugu dambeeyay guuldaro 1/0 ah kala kulmay Tunisia kulan ka tirsanaa wareega Group-yada.

Morocco ayaa isha ku haysa in ay noqoto xulkii ugu horeeyay ee African ah ee iska xaadiriya taariikha koobka adduunka, xilli uu kulankan noqon doono markii ugu horaysya ee uu xul African ah ciyaaro kulan Semi-final ah.

Xulka Morocco ayaa ah xulka kaliya ee uuna xul kale ka dhalin gool tartanka koobka adduunka sanadkan iyada oo goolka kaliya ee laga dhaliyay ahaa mid ay iyagu si khaldan isaga dhaliyeen xilli ay 4 kulan shabaqa ilaashadeen tartanka koobka adduunka sanadkan.


Ku Xirnoow FiirsoHada