World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Ghana vs Uruguay.

Xogta Kulanka

Kulan reer Africa isha ku hayaan , waa kulan Ghana ay haystaan fursad ay ju aar gutaan.

Kulankii hore ee FIFA World Cup ee Ghana iyo Uruguay waxay aheyd Ciyaartii caanka ahayd ee wareega 8da ee 2010, waxay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah waqtigaas oo Suarez gaarka cas la siiyay ka dib markii si ula kac ah uu kubadda gacanta ugu qabtay.

Uruguay waligeed lagama badin ciyaar koobka adduunka ah oo ay la ciyaartay qaran Afrikaan ah (2 badis 2 bar bar dhac ), iyadoo dhammaan afarta kulan ay yimaadeen qarnigii 21-aad – 3-3 vs Senegal (2002), 3-0 vs South Africa (2010), 1-1 vs Ghana (2010) iyo 1-0 vs Masar (2018).

Ghana ayaa hamiensyaa in ay guul gaaraan kulamo isku xiga koobka aduunka markii labaad taariikhdooda, haddi ay badiyaan wareega big baxa ayay u gudbayaan markii sedexaad ka dib 4 jeer oo ay ka soo muuqdeen tartankaan koobka aduunka .

Urugay ayaa ka carareysa in guul darro labaad la kulmaan iyadoo wareega Group-yada la joogo markii ugu horeeysay tan iyo sanadkii 1974-tii , waxaana kulankii hore garaacay qaranka Portugal.


Ku Xirnoow FiirsoHada