World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Japan vs Croatia.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Japan 0-2 Croatia
Sports Mole
Japan 1-1 Croatia
WhoScored
Japan 2-1 Croatia
Fiirso Hada
Japan 2-2 Croatia
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka wacdaraha dhigaya ilaa haatan tartanka koobka adduunka isla markaas lama filaanada qarxiyay ee Japan ayaa la ciyaari doona xulka Croatia kulan ka tirsan wareega 16-ka.

Xulka Croatia ayaa doonaya in ay mar kale gaadhaan final-ka koobka adduunka maadama ay gaadheen 4 sano ka hor waxana ay doonayaan in ay dhaafaan xulka Japan.

Dhinaca kale xulka Japan ayaa doonaya in uu Crotia ku daro lama filaanada kale ee uu ilaa haatan ka dhigay koobka adduunka Isla markaas iska xaadiriyo wareega xiga ee tartanka.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee xulalka Japan iyo Croatia ku dhex mara koobka adduunka iyada oo uuna xulka Japan wax guul ah ka gaadhin 2-dii kulan ee hore iyaga oo kulan badisay Croatia halka kulanka kale bar-baro galeen.

Japan ayaa badisay labadii kulan ee ay la ciyaartay xulalka reer yurub koobka adduunka sanadkan iyaga oo garaacay xulalka Germany iyo Spain, laakiin waxa ay badiyeen kaliya 2 kulan 10-kii kulan ee ay la ciyaareen xulalka reer yurub.

Xulka Japan ayaa gaadhay wareega 16-ka koobka adduunka markii 4-aad si kasta ha ahaatee waligood ma dhaafin wareegan iyaga oo dhamaantood 4-tii jeer kaga hadhay wareega 16-ka.

Markan aaa ah markii 3-aad ee uu xulka Croatia gaadho wareega 16-ka koobka adduunka waxana ay labadii hore rikoodhayaal ku dhaafeen wareegan.


Ku Xirnoow FiirsoHada