World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Japan vs Spain.

Xogta Kulanka

Japan waxaa sugaya kulan adag waayo Spain waxa ay ku jiraan bandhig wacan

Spain ayaa badisay kulankii kaliya ee ay hore ula kulmeen Japan tartamada oo dhan,waxana ay 1-0 ku badiyeen ciyaar saaxiibtinimo bishii April 2001.

Spain waligood lagama badin shan kulan oo hore oo koobka adduunka ah oo ay la ciyaareen kooxaha Asia (3 guul ,2 bar bar dhac), inkastoo guul darro rigoorayaal ah ay kala kulmen Korea Republic 2002 .

Spain ayaa badisay kulankoodii ugu dambeeyay ee Group-yada sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galaan koobka adduunka ee FIFA, marka laga reebo barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Morocco kulankii ugu dambeeyay ee 2018.

Japan ayaa laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Koobka Adduunka , kaliya hal kulan ayay guul gaareen.

Spain ayaa haatan aan laga badinin todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka (3 guul iyo 4) – kaliya hal jeer taariikhdooda ayay ku dheeraatay tartanka iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin (10 kulan intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2006)


Ku Xirnoow FiirsoHada