Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Manchester City Iyo Liverpool.

Xogta Kulanka

Kulan xiiso leh ayaa dhexmaraya kooxaha Liverpool iyo Man City kaan tirsan wareega 16-ka ee tartanka Carabao cup kana dhici doona garoonka Etihad.

Kooxda Liverpool oo difacaanaysa koobka oo ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay sii wataan difaacashada koobka.

Dhinaca kale Man City ayaa doonaysa in ay garaaco Liverpool kadib markii ay laba guuldaro kala kulantay ilaa haatan xilli ciyaareedka tartamada oo dhan.

60-kii kulan ee ugu dambeeyay, Manchester City ayaa badisay 11 jeer, waxaa dhacay 21 barbaro, halka Liverpool FC ay badisay 28 jeer. Farqiga goolasha ayaa ah 98-77 oo ay guushu ku raacday Liverpool FC.

Manchester City ayaan wax guul ah gaarin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Liverpool FC.

Marka lagu ciyaarayo gurigooda, Manchester City ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Liverpol 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

Liverpool FC ayaan laga badin wax kulan ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City tartamada oo dhan.

Man City ayuu ka maqnaan doonaa weeraryahan Julian Alvarez oo Koobka aduunka kula guuleystay Argentina, goolhaye Stefan Ortega ayaa la filayaa inuu goolka kusoo bilawdo.

Da’yarka Lewis ayaa daafaca midig dheeli kara halka Dias, Laporte iyo Gomez afarta daafac la dhammaystirtayaan.

Rodri iyo Gundogan ayaa khadka dhexe kala soo muuqan kara Cole Palmer haddii Pep doorto inuu De Bruyne nasiyo halka Mahrez, Grealish iyo Haaland weerarka ku midoobi karaan.

Dhinaca Liverpool waxa dhaawacyo ka qaba Arthur Melo, Luis Diaz iyo Diogo Jota halka uu maqnaan doono Ibrahima Konate oo Finalkii Koobka aduunka ciyaaray.

Kelleher ayaa goolka Reds kusoo bilaabanaya halka Ramsay, Joal Matip, Joe Gomez iyo Robertson ay u badantahay inay afarta daafac ku midoobaan.

Elliot, Keita iyo Thiago ayaa khadka dhexe kasoo wada muuqan kara kahor Fabinho iyo Henderson halka Salah, Firmino iyo Nunez weerarka dheelayaan.


Ku Xirnoow FiirsoHada