World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Morocco vs Portugal.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Morocco 0-2 Portugal
Sports Mole
Morocco 0-1 Portugal
WhoScored
Morocco -1 Portugal
Fiirso Hada
Morocco 2-2 Portugal
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Morocco ayaa isha ku haysa in ay sii wadato wacdaraheeda koobka aduunka , iyadoo dooneysa in taariikh cusub u furto qaaradda africa .

Kulankan ayaa noqon doona kii saddexaad ee abid dhexmara Morocco iyo Portugal, iyadoo labadii hore ay labaduba ka tirsanaayeen Koobka Adduunka. Morocco ayaa guushu ku raacday kulankii ugu horeeyay ee heerka groupyada sanadkii 1986 (3-1), ka hor inta aysan Portugal 1-0 ku badinin tartankii 2018 oo ay sidoo kale isku group ahaayeen.

11-kulan oo hore oo wareegga 16-ka ee koobka adduunka aay ciyaareen xulalka Afrika iyo Yurub, iyadoo sagaal ka mid ah ay badiyeen xulalka Yurub. Labada kale ee africa guusha ku raacday mid waxa uu ahaa 2-1 ee waqtiga dheeriga ah ee Senegal ayaana kaga badisay Sweden 2002 (wareega 16) iyo Morocco oo rigoorayaal kaga badisay Spain wareegii hore ee sanadkan.

Morocco ayaa isha ku haysa inay noqoto xulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee u soo baxa semi-finalka koobka adduunka. Runtii, mid kasta oo ka mid ah saddexda kooxood ee Afrikaanka ah ee u soo baxay wareega 8da ayaa dhamaantood lagu reebay heerkan: Cameroon 1990, Senegal 2002 iyo Ghana 2010.

Tani waxay noqon doontaa markii seddexaad ee Portugal ay u soo baxdo wareega 8da ee Koobka Adduunka, halka ay ka soo gudbeen mid kasta oo ka mid ah labadii hore – 5-3 v DPR Korea 1966 iyo 3-1 rigoorayaal ah oo ay la galeen England 2006.

Morocco ayaa kulankan soo galaysa shan kulan oo xidhiidh ah oo aan laga badinin koobka adduunka (2 guul iyo 3 barbaro); rikoorkoodii ugu dheeraa abid ee aan laga badinin tartanka. Afar ka mid ah ciyaarahan ayaa waxaa hogaaminaya Walid Regragui (laba guul iyo laba bar bar dhac , kaasoo noqon doona tababarihii ugu horeeyay ee Afrikaan ah oo leyliya wareega 8da Koobka Adduunka ee ciyaartaan.


Ku Xirnoow FiirsoHada