World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Morocco vs Spain.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Morocco 0-2 Spain
Sports Mole
Morocco 1-3 Spain
WhoScored
Morocco 0-2 Spain
Fiirso Hada
Morocco 1-1 Spain
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Spain ayaa caawa la ballansan dhigiisa Morocco oo kamida dalalka sida lama filaanka ah wacdaraha uga dhigaya koobkan aduunka.

Morocco ayaa kaalinta koowaad kaga soo gudubtay Group ay kula jirtay Croatia, Belgium iyo Canada halka Spain ay labaad kaga soo dhammaysatay midkii ay la wadaagaysay Germany, Costa Rica iyo Japan.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii labaad ee koobka aduunka ee u dhexeeya Morocco iyo Spain – markii ugu horaysay ee wareega group-yada 2018, Morocco ayaa laba jeer hogaanka ciyaarta qabatay ka hor inta aanay barbaro 2-2 ah ku kala bixin, iyadoo Iago Aspas uu daqiiqadii ugu dambeeyay goolka barbaraha u dhaliyay Spain.

Spain waligood guuldarro lama kulmin seddex kulan oo ay hore ula kulmeen Morocco (2 guul iyo 1 barbaro), iyadoo labadooda guul ay ku yimaadeen isreebreebka ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka ee 1962 bishii November 1961 (1-0 marti ah, 3-2 guri).

Xulka Spain ayaa ku haray wareega 16-ka ee koobka adduunka 2018,ka dib markii ay rigoorayaal ku hareen xilli ciyaartaas 1-1 ay ku dhamaatay iyaga oo la ciyaarayay xulka martigelinaya koobka adduunka ee Russia. Markii ugu dambeysay oo ay heerkaan ka soo gudbaan waxay aheyd 2010, iyagoo ku guuleystay tartanka sanadkaas.

Morocco ayaa markii labaad ku jirta wareega 16ka koobka aduunka waxayna sidoo kale soo gaadheen wareega 16-ka sanadkii 1986 kii markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Germany sanadkaas.

Spain ayaa marki ugu horeysay wajihi doonta xul Afrikaan ah kulan ka tirsan wareega 16ka koobka aduunka, iyagoo shan jeer oo hore la ciyaaray xulalka Africa wareega group-yada (3 guul iyo 1 guul daro). halka kulan ee laga adkaaday Isbaanishka waa midkii Nigeria 1998, 3-2 ayuu ku badiyay, ciyaartaas oo uu macalinka haatan Luis Enrique ku soo bilowday Spain.


Ku Xirnoow FiirsoHada