World Cup: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Portugal vs Switzerland.

Saadaasha Kulanka

Hoos Ka Daalaco Saadalaha ay Kulankaan Ka Sameeyeen Jariiradaha Ugu Caansan ee Saadaliya Kulamada Kubada Cagta, Sidoo Kale Saadaasheena Kama Marno Adna Taada Waad Dhiiban Kartaa.

Sadaalaha
Sportskeeda
Portugal 2-1 Switzerland
Sports Mole
Portugal 2-1 Switzerland
WhoScored
Portugal v2-1 Switzerland
Fiirso Hada
Portugal 3-1 Switzerland
Saadashaada?
Nagula Wadaag Halkaan

Xogta Kulanka

Xulka Portugal ee uu hormoodka u yahay Cristiano Ronaldo ayaa caawa imtaxaan adag ku maraya koobka aduunka wareegiisa 16-ka iyagoo la ballansan xulka dhibta badan ee Switerland.

Portugal ayaa booska koowaad kaga soo baxay Group uu la wadaagay Uruguay, Ghana iyo South Korea halka ay Switerland labaad kaga soo dhammaysteen midkii ay kula jireen Brazil oo ay isku dhibco ahaayeen, Serbia iyo Cameroon.

Portugal ayay ka maqnaan doonaan Danilo Pereira iyo Nuno Mendes. Diogo Dalot ayaa isha ku haya inuu boos ka helo kulankan tababare Fernando Santos isagoo daafaca kala bixi kala Raphael Guerrero.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii saddexaad ee dhexmara Portugal iyo Switzerland sanadka 2022, iyagoo laba jeer isaga horyimid tartanka UEFA Nations League bishii June. Portugal ayaa 4-0 ku badisay ciyaar ka dhacday Lisbon, ka hor inta aysan Switzerland 1-0 kaga badinin Geneva toddobaad ka dib.

Xulalka Portugal iyo Switzerland ayaa lix jeer isaga horyimid tartan rasmi ah qarniga 21-aad, halka labada xulba ay badiyeen min saddex kulan. Kulankoodii kaliya ee ay hore ugu kulmeen tartan weyn (Koobka Adduunka iyo Euro) ayaa ka mid ahaa kulamadan, iyadoo Switzerland ay 2-0 ku badisay Euro 2008dii.

Portugal waxa ay dooneysaa in ay gaarto wareega 8da Koobka Adduunka mar seddexaad, iyadoo horay u soo gaartay 1966 iyo 2006. Si kastaba ha ahaatee, waa ay ku guuldareysteen inay badiyaan shantii kulan ee ugu danbeysay ee bug-baxa ee tartanka, mid kastana waa laga badiyay. Afartii kulan ee ugu dambeysay, oo ay ku jiraan guuldarooyin heerkan ah 2010 (0-1 vs Spain) iyo 2018 (1-2 vs Urugua

Switzerland ayaa badisay labo ka mid ah kulamadii ay ku ciyaartay heerka guruubyada koobka aduunka 2022 (guul darro kulankii Brazil), waxayna doonayaan inay badiyaan seddex kulan hal tartan koobka aduunka markii ugu horeysay taariikhdooda.


Ku Xirnoow FiirsoHada