Ugu Danbeyn waxaa soo dhamaaday Heerka Guruubyada Koobka Aduunka iyadoo Xulal waaweyn ay Sanadkan ka Hareen Koobka Adduun.
Isku Aadka Wareega 16-ka ee Koobka Adduunka ayaa u Muuqda mid leesku jabiyay Kooxaha Yurub halka ay Fursad ay u tahay Xulalka kale ee Caalamka.
Labo xul oo Afrika matalaya oo kala ah Senegal iyo Morocco, labo xul oo matalaya Koonfur Ameerica oo kala ah Brazil iyo Argentina iyo xul matalaya Waqooyiga Ameerica oo ah Mareykanka.
Madaama Brazil ay kaalinta koowaad uga soo baxday guruubkeeda, waxay la micno tahay in xulalka Yurub ugu waa weyn ay isku jabi doonaan ilaa iyo ciyaarta finalka halka Brazil ay wado fudud qaaday inkastoo ay suurtogal tahay inay is arkaan midkood Argentina ama Netherlands.
Isku Aad-ka |
---|
England iyo Senegal ayaa wareega 16ka ciyaaraya laakiin waxaa wareega 8da ku sugaya midkood France ama Poland.
Spain iyo Morocco ayaa wareega 16ka isku balansan waxa iyagana wareega sideeda ku sugaya midkood Portugal ama Switzerland.
Waxay taasi ka dhigan tahay in England, France, Spain iyo Portugal uu midkood kaliya gaari karo finalka. Waxaa dhici karta in France iyo England ay ciyaaraan wareega 8da, halka Portugal iyo Spain ay iyagana isku arki karaan wareega sideeda.
Dhanka kale ee isku aadka, Brazil waxay heysataa wado sahlan marka loo eego murqo weynta Yurub. Waxay wareega 16ka la ciyaarayaan South Korea iyagoo wareega sideeda ku dhacaya midkood Japan ama Croatia.
Kulanka ugu adag ee ay wajihi karaan ka hor finalka waa semi-finalka oo ay la ciyaari karaan midkood Argentina ama Netherlands.