Xogta Kulanka
Liverpool ayaa kulan adag waxa ay ku marti gilinayaan Chelsea iyaga oo dagaal ugu jira in aysan diiwaan gilin rikoor liita oo sanadkii 1953-dii ugu dambeeysay.
Liverpool ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Chelsea, lix guul iyo 7 barbaro, inkastoo mid ka mid ah uu ahaa mid ka dhacay Anfield bishii March 2021.
Liverpool ayaa laga badiyay labadii kulan ee horyaalka 2023 ilaa hadda, 3-1 ayay ku garaacday Brentford iyo 3-0 oo ay ku garaacday Brighton. Lagama badin seddexda kulan ee ugu horeeya horyaalka sanad gudihii tan iyo 1953kii.
Chelsea ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, seddex barbaro, shan guuldarro, inkastoo ay 1-0 kaga badiyeen Crystal Palace kulankii ugu dambeeyay. Marka laga soo tago gurigooda, Blues ayaan wax guul ah gaarin shan kulan oo Premier League ah (laba bar-baro ayay gashay, saddexna waa laga badiyay).
Tani waxay noqon doontaa kulankii 1,000-aad ee Jurgen Klopp isagoo tababare ah (270 oo uu la ciyaaray Mainz 05, 319 Borussia Dortmund iyo 411 Liverpool), 21 sano iyo 327 maalmood kulankiisii ugu horeeyay Mainz 1-0 waxa ay ku gaaraceen Duisburg 28 Febraayo 2001). Waxa uu badiyay lix ka mid ah 19-kii kulan ee uu la qaatay Chelsea (9 bar-baro ayuu galay, afar guuldarro ah).
Mykhailo Mudryk ayaa noqon kara ciyaaryahankii sagaalaad ee u dhashay Ukraine ee ka ciyaara Premier League, iyo ciyaaryahankii labaad ee sidaas u sameeya Chelsea ka dib Andriy Shevchenko. Ma jiro qof Ukrain ah oo waligii gool dhaliyay kulankoodii ugu horeeyay ee Premier League.
Marka la eego 60 kulan oo horyaalka ah waxa ay natiijada u kala qaateen sida tan , 23 guul liverpool ah iyo 21 Chelsea , wiilasha Klopp waxa ay dhaliyaan 76 gool halka Chelsea dhaliyeen 73 gool.