Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Man City vs Wolves.

Xogta Kulanka

Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda Wolves kulan ka tirsan premier League waxana ay doonayaan in ay sii wadaan guulaha premier League.

City ayaa doonaysa in ay soo yarayso dhibcaha ay ka dambayso Arsenal kuwaas oo maantaa saacado kadib ciyaari doonta kulan adag oo a ciyaari doonto Man United.

Wolves ayaa dhinaca kale doonaysa in ay qabato City isla markaas sii galiso mugdi rajadooda soo qabashada hogaamiyayaasha Arsenal.

Tan ilaa markii ay guuldaro 2 ah kala kulantay Wolves xilli ciyaareedkii 2019/2020, Man City ayaa badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Wolves waxana ay dhaliyeen 16 gool halka laga dhaliyay 3 gool.

Wolves ayaa kaliya 4 dhibcood ka qaadatay 8 kulan oo ay booqatay kooxda Man City iyada oo guusheedii ugu dambaysay ee ay ku gaadhay Etihad ay ahayd bishii October 2019.

Kooxda Wolves ayaa badisay kaliya 4 kulan oo ka mid ah 17 kulan oo ay premier League la ciyaartay kooxda difaacanaysa premier League iyaga oo 5 guuldaro oo xidhiidh ah kala kulmay.

Man City ayaa laga badiyay kulankii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen Premier League maalin Axad ah iyaga oo guuldaro 1/0 ah kala kulmay Liverpool.


Ku Xirnoow FiirsoHada