Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Barcelona vs Man United.


Xogta Kulanka

Labada kooxood ee ugu waaweyn ee ka qayb qaadanaya Europa League ee Manchester United iyo Barcelona ayaa caawa kulan xiiso badan ku ballansan gegida Camp Nou.

Barcelona oo hoggaanka La Liga siddeed dhibcood ku haysa ayaa qaabilaysa Man United oo booska saddexaad kaga jirta Premier League.

Barca ayaa kasoo hadhay Champions League oo ay wareega Group-yada dhaafi wayday sidaasna halkan ku timid halka Red Devils booska labaad kaga soo dhammaysteen Group-koodii Europa.

Barcelona waxa ka maqnaan doona Ousmane Dembele iyo Sergio Busquets oo la filayo inay labada kulanba seegaan balse haddana Xavi ayaa haysta tayo ku filan.

Gavi ayaa la filayaa inuu doorka weerarka kala ciyaaro Raphinha iyo Lewandowski halka Kessie buuxinayo doorkii Busquets isagoo dhexda kala dheelaya De Jong iyo Pedri.

Man United waxa ka dhaawacan xiddigaha kala ah Scott McTominay, Christian Eriksen. Donny van de Beek, Antony iyo Anthony Martial.

Sidoo kale Ten Hag ayaa kulankan ganaax ku waayaya xiddigaha muhiimka u ah ee Lisandro Martinez iyo Marcel Sabitzer.

Luke Shaw ayaa daafaca dhexe kala ciyaaraya Varane isagoo kasoo hormaraya daafacyada dhexe ee asalka ah ee Maguire iyo Lindelof, Malacia ayaa daafaca bidix dheelaya halka la filayo in Dalot kasoo horreeyo Wan-Bissaka.

Garnacho oo bedel ku yimid goolna ka dhaliyay Leeds toddobaadkan ayay macquul tahay inuu Sancho booska kala baxo.


Ku Xirnoow FiirsoHada