Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Kooxaha Dortmund vs Chelsea.


Xogta Kulanka

Kooxaha Chelsea iyo Borussia Dortmund ayaa caawa gegida Signal Iduna Park isku faro-saaraya lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Labada kooxood ayaa ku kala jira xaalado kala duwan, Dortmund ayaa wakhti wanaagsan qaadanaysa halka kooxda ree London arrinku ku adag yahay.

Xogta iska hor imanaysa ee ay kala haystaan ayaa ah in Borussia soo badisay dhammaan siddeedii kulan ee ugu dambeeyay garoonkeeda halka Chelsea aysan guul arag siddeedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti noqotay.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee u dhexeeya kooxaha Borussia Dortmund iyo Chelsea ee tartamada Yurub.

Chelsea ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah 11-kii kulan ee ay martida u ahaayeen kooxaha Jarmalka (D3 L5), iyadoo labo ka mid ah guulahaas ay ahaayeen xilli ciyaareed xiriir ah oo ay ka gaareen Schalke 2013-14 iyo 2014-15.

Graham Potter waa guuldarro la’aan isagoo hogaamiyay Chelsea Champions League (W4 D1), isagoo badiyay mid kasta afartii kulan ee lasoo dhaafay. Haddii Blues ay badiso kulankaan, Potter ayaa noqon doona tababarihii ugu horeeyay ee Ingiriis ah oo badiyay shan kulan oo xiriir ah tartanka.

Hacertz waxa uu Dortmund ka hor tagay 7 kulan waligisna gool kama dhalin waana kooxda ugu badan ee uu kaga hor tagay.


Ku Xirnoow FiirsoHada